Return to site

Hogaaminta Dhaqalaha Islaamiga ee Bariga Afrika Waxa loo Doortay Maamulaha KIMS Microfinance

KIMS Microfinance ayaa ku dhawaaqday magacaabista Mudane Maxamed Cabdiraxmaan oo noqonaya Maamulkooda cusub ee fulinta iyo xubin ka mid ah Guddiga Agaasimayaasha waxay ansax kowda Sebteembar 2018.

Mudane Cabdiraxmaan waxa uu ka shaqeynayay qaybta maaliyadeed ee Bariga Afrika muddo shan iyo toban sano ah, kuwaas oo 7 ka mid ah ay ahaayeen kuwa ugu sareeya kaalinta maareynta dhaqaalaha Islaamiga ah oo ay ka mid yihiin afartii sano ee ugu dambeysay inuu ahaa maamulaha mid ka mid ah hay'adaha macaamiisha ee ugu weyn gobolka Islaamiga.

Mudane Cabdiraxmaan wuxuu xilka KIMS Microfinance kala wareegay Mudane Cabdullaahi Cawad, oo ahaa madaxa aasaasiga ee shirkada kaasoo si guul leh ku hogaamiyay KIMS lagasoo bilaabo sannadkii 2014-ka illaa hadda uu yahay hogaamiyaha dhaqaalaha suuqa ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha KIMS Microfinance Md. Mustafa Cali isagoo ka falcelinaayo magacaabistan wuxu yiri

"Sida KIMS Microfinance usoo gashay wajiga cusub ee koriinadeeda waxaan ku faraxsanahay inaan ku soo dhaweyneyno Maxamed Cabdiraxmaan hay'adda. Maxamed wuxuu bixiyaa waayo-aragnimo badan isagoo socodsiinayo suuqa, hadana hogaaminayo ha’adaha dhaqalaha islaamiga ee gobolka sido kale waxan sugeynaa inan sawirno khibradiisa si aan usii balaarino guusha taariikhiga ah ee KIMS." 

Go'aanka lagu magacaabayo Maxamed Cabdiraxmaan wuxuu ka yiri "aad baan ugu qanacsanahay uguna faraxsanahay inaan ka mid noqdo hay'ad taas oo siiso dadka Soomaaliyeed shuruuc tayo sare iyo hal abuurnimo leh oo waa faqsan adeega dhaqaalaha. Waxaan rajeynayaa in aan keeno waayo-aragnimadayda goboleed si aan usii wado inan awood siiyo KIMS si ay ugu koraan si joogto ah Soomaaliya iyo gobolka oo dhan.”

Waa farxad weyn in lagu soo dhaweeyo Mohamed Guddiga KIMS," ayuu yiri xubin ka mid ah guddiga KIMS Justin Sykes. "

KIMS Microfinance waxay mar hore kaalin wax ku ool ah ka qaadaneysay yareenta faqriga ee dadka dakhligoodu hooseeyo laakiin dhaqaale ahaan aad u firfircoon gudaha Soomaaliya sidoo kale magacaabista Maxamed waxan ka rajeynayaan in dadaalladaan iyo in la kordhiyo ka qeeb qaadashada hay'adaha ee horumarinta dhaqaalaha gudaha iyo xasilinta Soomaaliya ay sii xoojin doonaan.”

Ku saabsan KIMS

Kaah Microfinance (KIMS) waa halka shirkad dhaqaale oo shakhsi leeyahay ee ugu firfircoon Soomaaliya, iyadoo xarunteeda weyn ku leh Hargaysa oo u adeegta dhamaan suuqa Soomalida. Waxaa la aasaasay sannadka 2014 KIMS waxay hadda ka shaqeysaa 11 laamood oo ku yaala 8 goobood oo dhaca Bartamaha-koonfureed , Somaliland iyo Puntland. KIMS waxay ka shaqeysaa saldhig ganacsi oo bixiya maalgelin shirkadeed iyo adeegyada kaydsiga.

KIMS, ilaa hadda, waxay siineysay maaliyad joogta ah in ka badan 9,800 shirkado yaryar iyo kuwa waaweyn oo qiimahoodu ka badan yahay $9 milyan, taasoo keentay in la abuuro qiyaastii 6,000 shaqo oo cusub.

KIMS waxa ay hadda leedahay sheerer u shaqeeyo oo ah 3,800 oo macaamiil ah oo u dhigma $2.6 milyan, taasoo ka dhigaysa hoggaamiyaha suuq-maaliyadeed ee Soomaaliya

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan KIMS Microfinance booqo https://www.kimsmfi.com/

All Posts
×

Almost done…

We just sent you an email. Please click the link in the email to confirm your subscription!

OKSubscriptions powered by Strikingly